Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab

Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab islamarkaana laga oo bilaabo sanadkii 2013ka maxbuus u ah dowladda Soomaaliya ayaa fariin uu warbaahinta soo gaarsiiyay ku weeraray hab dhaqanka iyo dilalka Ururka Al-shabaab.

Fariintan oo soctay ku dhawaad 53 daqiiqo ayuu ku sheegay in wax laga xumaado tahay dilalka Ururka Al-shabaab ay kula kacaan Odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo culimada Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku darray in tallaabadasi ka dhigan tahay in aan waxba leys dhaamin dhicyada oo dhan.

‘’Wax loo dul qaadan karo ma’aha dilalka dadka aan waxba galabsan, war halkee loo socdaa, meel fayoow ma’laha, Mushtabac ma fiyoowba, Cuqaal ma fiyoowba, Cilmi ma fiyoow, Idheer-garad ma fiyoowba, waxaas oo dhan waa idinka dartiin, xitaa cibaadadii iyo fidintii dacwada ayaa qalqal ku jirta oo dadku waa wada cabsanayaa, meel leysku aamini karo malaha’’ ayuu yiri Xassan Daahir Aweys.

Wuxuu sheegay in hab dhanka dilalka aysan aheyn wax sii socon kara, loona baahan yahay in laga waantoobo, waxaana uu Al-shabaab ku tilmaamay dad aan laheyn jiho ay u socdaan.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday qadiyada ku saabsan Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka soo goostay Al-shabaab, ayuu sheegay in Abuu-Masuur uu ahaa qofkii ugu muhiimsanaa ee Ururka ka mid noqda, una suurtagaliyay ayuu yiri in ay qabsadaan Al-shabaab gobolladii ugu muhiimsanaa dalka.

‘’Bal fiiriya wixii uu Cali Dheere meelaha Caac la lahaa Abuu Masuur ayaa ridoobay ayuu leeyahay, war qofkii iyaga ka horyimaada ma Diinta ayuu ka baxay, xitaa qofkii khilaafada Islaamiga ka horyimaada ma diinta ayuu ka baxay, Abuu-Masuur waa shaqsigii suurtagaliyay in Al-shabaab la wareegaan gobollada Baay, Bakool iyo Hiiraan oo la ogyahay wixii Al-shabaab ka qabsaday’’ ayuuu yiri Xassan Daahir Aweys.

Xassan Daahir ayuu sheegay in qofka aan lagu dhaliili karin in uu la macaamilay dad aan muslim aheyn isaga oo yiri’’ Bal fiiriya waxaa ay leeyihiin Abuu-Masuur Gaalo ayuu la xiriiray, waxaa haddii Gaal lala macaamilo ma badilbaa bal eega Caqiida xumada dadka lagu maamulayo’’ ayuu yiri is weydiiyay Xassan Daahir Aweys.

Fariinta Xassan Daahir Aweys ayaa u muuqatay mid uu uga horyimid hab dhanka Ururka Al-shabaab ee uu mudadda dheer ka soo tirsanaa, laakiin wali ma uusan cadeyn mowqifkiisa ku aadan ka mid ahaanshaha Ururka si la mid ah Abuu-Masuur oo sheegay in uu isaga baxay Shan sanno ka hor.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Cabdiweli Gaas ” Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi”
- Jul 21, 2018
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi ...
Somalia Partnership Forum in Brussels: Business as Usual
- Jul 21, 2018
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that ...
Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...