Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad  lagu soo dhaweynayo  loogu qabtay   magaalada Bloomington   gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.

Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somaliyeed  ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Somali  ee Washington oo ay hoggaaminaysay Run Said Qoorsheel,
Macalin Said Salah Ahmed oo ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee Mudada ku jiray
Waxbarashada,isla markaana haataan macalin ka ah Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ka ka hadlay taariikhda wax-barashada Somalia & Heerarka ay soo martay.
‘Anigoo og Xilka ay hayaan Culeyskeeda muddada 27 sanadaha dib-u-dhaca ku dhacay Higsiga Adduunyada,meesha aan ka joogno inta ay le’eg tahay & hakashada nagu timid,1989,waxaanu  ka qayb-gallay oo bilowday meel Eeshiyadaas ka mid ah wixii la oranayey Tacliinta Adduunka,Wax-barashada loo dhan yahay,wuxuu socday 10 sanno xuskaasi,10-kaas sanno,Waxaa Caalamka la gaarsiinayey,in qof kasta oo Muwaadin ah oo adduunka ku nool in uu Helo wax-barsho,ilaa heer Dugsi sarre aqoon ahaan,.
Siyaad Ali oo ka mid ah Guddiga wax-barashada magaalada Minneapolis ayaa wasiirka uga war-bixiyey  Somalida & kaalimaha ay kaga jiraan Wax-barashada Gobolkaan.
 Waxaan ku faraxsannahay in uu wasiirku noo yimaado,ayadoo kaalin fiican ay kaga jiraan Soomaalida Gobolkaan meelo fiican”
Wasiirka ayaa inta uu sugnaa Gobolka minnesota waxaa uu booqday Dugsi sare ee South high oo ay wax ka bartaan arday badan oo Soomaaliyeed,wuxuuna u kuur gallay,heerka wax-Barasho ay dhallinta Soomaaliyeed gaarsiisan yihiin.
Wasiirka ayaa Sidoo kale booqday xarunta dowladda hoose oo uu ka soo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Abdi Warsame,iyadoo uu halkaas,war bixin ka siiyey wasiirka xaaladda guud ee Somalida gobolkaan & doorka ay ka qaataan arrimaha Bulshada.
Intaas kaddib Wasiir Wasaaradda Wax-barshada & Tacliinta sare Mudane Abdirahman Dahir Osman,wuxuuna war-bixin ka siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed,guud ahaan Xaalada Hormarineed ee wadanka & Wax-qabadka ay ku tilaabsatay  Wasaaradda wax barshada Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...