xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Jawaari oo kulmay

 

Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari. Kulanka ayaa joogay inta badan golaha Wasiirada xukuumadda ra’iisal wasaare Kheyre, waxaana ka mid ahaa Wasiirrada ka qeybgalay kan Maaliyada, Amniga, Gadiidka iyo Duulista Hawada, Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xanaannada Xoolaha, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru-dowlayaal.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah cadaadis xoogan oo xildhibaannada ku saarayaan Prof Jawaari in uu xilka isaga tago ka hor inta aan mooshinka loo codeyn. Xildhibaannada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay guddoomiyaha in uusan xilka isaga dego, madaama sida ay hadalka u dhigeen xildhibaannada saxiixay mooshinka ku dhaw yihiin 200 oo mudane.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeysanaya in loo codeeyo Mooshinka, waxaana uu meesha ka saaray in uu is casilayo. Waxaa jiray kulan xalay dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Baarlamaanka   Prof Maxamed Cismaan Jawaari , iyaga oo ka wada hadlay sida loo wajayo xal u helida Mooshinka.

faarax omar

mogadishu somalia


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...
Guddiga joogtada ee Aqalka sare oo war ka soo saaray khilaafka Golaha Shacabka
- Mar 21, 2018
Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ...
Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ra’iisal wasaarihii ugu xil heynta dheeraa dalka Jabuuti
- Mar 20, 2018
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka Jabuuti geeridii ...