Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?

Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

 

Waa halista ugu weyn ee soo wajahda golaha shacabka, waana adag tahay in laga gudbo oo midnimada golaha las oo celiyo mar hadii Guddoonkiisa qeybsan yahay, waxaana loo nugulyahay faragelin shisheeye.

Illaa iyo hada wali laguma heshiinta goobta lagu qabanayo cod u qaadista mooshinka iyo xilliga la qabanayo, waana arrin sii cakirnaan hor leh sii gelineysa Baarlamaanka, iyadoo muddo labo todobaad aanu wax kulan dhicin, taas oo sii murjineysa xaalada. Guddoomiye Jawaari oo ay mooshin ka keeneen tiro aad u badan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka waa adkaan doontaa inuu kalsoonida xubnaha baarlamaanka dib u hanto xitaa hadii uu mooshinka ka badbaado.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay aya horay ugu soo jeediyay Guddoomiye Jawaari inta aan la gaarin cod u qaadista Mooshinkiisa inuu is casilo, taasoo ay ugala jeedeen in xataa hadii uu guuleysto in xaalada aanay waxba iska bedeli doonin, ayna adkaan doonto shir guddoonkiisa Golaha.

Fursada kaliya ee jiri karta ee Baarlamaanku dib ugu midoobi karo ayaa waxay noqon kartaa in guddoomiye Jawaari meesha ka baxo, Baarlamaankuna yeesho guddoon cusub oo ay ku midoobi karaan, sida ay aaminsan yihiin xeel dheerayaasha, isla markaana noqon karta xalka kaliya ee midnimada Baarlamaanka keeni karta. Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in kala qeybsanaanta uu galay Golaha Shacabka ay horseedi karo xaalado hor leh, iyo habacsanaan ku timaada howlaha sharci dejinta, waxaana dad badan u soo qaadanayaan xaaladihii ka dhashay khilaafaadka Baarlamaanadii 7aad iyo 8aad ee aakhirkii Guddoonkooda meesha ka baxay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...