Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu qas ka wado Baarlamaanka. Xildhibaan Goodax oo ka qeyb galayay barnaamij dood ah oo ka baxayay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay qeyb ka yihiin xaalada siyaasadeed.

“Waxaa xaqiiqa ah oo shaki aan ku jirin Xildhibaano kooban oo ka tirsan nidaamkii hore ee Damul jadiid la dhihi jiray ee damacsan Xukuumaddaan inaysan maalin horay u socon, Madaxweynahooda oo tuute gashtay oo xero u guuray in la fur furo oo la cambaareeyo oo dowladii ay shaqeyn wayso waa damiir xumo, Baarlamaanka isaga oo matalaya umadda Somaliyed waa in la dhahaa naga fariista Xildhibaanadaasi”ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Mr Goodax ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu adeegsanayo Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahana kuwa isaga taabacsan, isla markaana uu taleefano kula soo hadlayo sida uu yiri. “Xasan Sheekh xalay dad ayuu soo la soo hadlayay oo Xildhibaano ah oo taleefoonka ka soo wacaayay sidaasi yeela ayuu dhahayay, dad la hadlay ayaan la sheekeystay aniga”ayuu yiri Goodax.

Waxaa uu ammaanay Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inuu tuute xirtay, isla markaana degay Wasaaradda Gaashaandhigga, kana wado abaabul dagaal, balse ay jiraan Xildhibaano xagal daacinaya horumarka dowladda ku tallaabsatay sida uu yiri. Xildhibaan Goodax ayaa ka mid ahaa xubnihii aadka u mucaaradsanaa markii dambe dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu ku caan baxay inuu mar walba si shaqsi u weeraro, taasoo dad badan la yaabeen inuu wali daba taagan yahay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Cabdiweli Gaas ” Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi”
- Jul 21, 2018
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi ...
Somalia Partnership Forum in Brussels: Business as Usual
- Jul 21, 2018
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that ...
Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...