Duqa Muqdisho oo la kulmay Madaxda iyo Saraakiisha sare ee AMISOM

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire la yeeshay kulan ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Gobolka Benaadir iyo AMISOM.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee magaalada Moqdishu ayuu Guddoomiye Yarisow ku ammaanay Midowga Afrika doorka ay ka ciyaartay horumarka iyo ammaanka Caasimadda. Waxaa kaloo intii uu kulanku socday lagaga hadlay ka bixitaanka AMISOM ee Stadium Muqdisho oo dhallinyaradu u baahan tahay, si loogu qabto ciyaaraha gobollada ee soo socda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Amniga Qaran ayaa AMISOM ka codsaday in la dardargeliyo howlgallada xoreynta labada Shabeelle taas oo muhiim u ah xasilloonida amniga Caasimadda.

“Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib ugu soo celiyaan dalka, waana uga mahadcelinaynaa kaalintooda muhiimka ah, kulankanna waxuu dhabaha u xaarayaa in aan si wadajir uga shaqeyno amniga iyo horumarka magaalada Caasimadda ah oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii dagaalladu reebeen”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay gacan uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo nabad waarta iyo amni.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...