DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan

Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada Hodan Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka Carabta, iyadoo la sheegayo in khasaare kala duwan uu ka dhashay. Iska hor imaadka ayaa is qabsaday Tarabuunka ilala Taleex, waxaana Ciidamada NISA laga soo saaray bar koontaroolo ay ku lahaayeen aaggaas.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ka qeyb qaadanayaan qoryaha ku rakiban gaadiidka dagaalka, waxaana xaalad iyo kala carar ay ka abuurtay xaafado ka fog halka uu iska hor imaadka ka dhacayo. Lama oga waxa uu salka ku haayo iska hor imaadka u dhaxeeya labada ciidan, hase ahaatee waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho iska hor imaadyada dhex mara Ciidamada dowladda dhexdooda. Is rasaaseynta culus ee ka socota degmada Hodan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu todobaadkii labaad ku hoyanayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan sidaa uga fogeyn halka lagu dagaalamayo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...
Guddiga joogtada ee Aqalka sare oo war ka soo saaray khilaafka Golaha Shacabka
- Mar 21, 2018
Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ...
Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ra’iisal wasaarihii ugu xil heynta dheeraa dalka Jabuuti
- Mar 20, 2018
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxda iyo shacabka Jabuuti geeridii ...