Ciidamo la wareegay Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira kuwa Xasilinta iyo Koofi Gaduud ayaa la wareegay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhex qarxay Baarlamaanka.

 

Ciidamadan ayaa galabta la geeyay xarunta, kuwaasoo ammaanka xarunta kala wareegay Ciidamo Boolis ahaa oo qaabilsanaa ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu amray in aan xarunta gudaha loo geli karin, waxaana saacadihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada ay kulan berri ku leeyihiin, lagana cabsi qabo in buuq iyo fowdo ka dhaco.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa u muuqda inay degdeg u fara geliyeen xarunta golaha shacabka, inta aanu Baarlamaanka ka dhex bilaaban fowdo iyo gacan ka hadal.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari ay qorsheynayaan in hadii Jawaari uu shir guddoonka soo fariisto ay buuq ku furaan, maadaama mooshin ka yaallo oo la isku haayo sharciyadiisa.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladan cusub ee soo korortay, waxaana muuqata in Baarlamaanka uu labo garab u qeybsamay oo kala ah garab ay hoggaaminayaan Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad iyo garabka Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey iyo Xildhibaanada mooshinka keenay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Cabdiweli Gaas ” Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi”
- Jul 21, 2018
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi ...
Somalia Partnership Forum in Brussels: Business as Usual
- Jul 21, 2018
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that ...
Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...