Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Jubaland oo u dabaaldegay Guusha Farmaajo

Inta badan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa caawa looga dabaaldegay guusha uu gaaray madaxweeynaha cusub

ee dalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo, kaa oo kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee maanta ka dhacday dalka. Magaalooyinka Kismaayo, Dhoobleey, Garbahaareey,

Baardheere, Doolow iyo degmooyin kale oo dhowr ah ayaa caawa shacabka ku dhaqan ay u ahayd habeen farxadeed, ayagoo isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalooyinkaasi

si ay u muujiyaan taageeradooda ku aadan hogaanka cusub ee dalka. Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn looga dabaaldegay. Kahor inta

aysan gudigu ku dhawaaqin Natiijada, ayaa waxaa mar qura magaalada Kismaayo is qabsatay rasaas dabaaldeg ah, ayadoo shacabku ay isugu soo baxeen wadooyinka si ay u muujiyaan dareenkooda.

“Caawa waa habeen farxadeed, waa habeen taariikhi ah, waxay noola mid tahay habeenkii la taagay calanka Soomaaliyeed ee uu dalka Xoroobay,” sidaa waxaa yiri C/laahi C/risaaq Warsame oo kamid ah

dhalinyarada reer Kismaayo ee u dabaaldageeysay guusha uu gaaray Madaxweeynaha cusub ee dalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo. Bulshada Soomaaliyeed ayaa u aragta madaxweeynaha cusub ee la

doortay in uu yahay shaqsi wadani ah, islamarkaana wax ka badali kara marxaladda uu haatan ku jiro dalka, ayagoo si gaar ah ugu amaana in uu yahay nin ka damqada dibandaabyada shisheeyuhu la

damacsanyahay dalka, islamarkaana u roon shacabka iyo ciidamada u taagan sugidda amniga dalka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Jubaland oo u dabaaldegay Guusha Farmaajo
- Feb 9, 2017
Inta badan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa caawa ...
War deg deg ah’’ Max’ed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya
- Feb 8, 2017
Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib ...
C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...