Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya

ktn1

ktn7

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay  Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble iyo Ugaas Xasan Ugaas khaalif iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Kulanka hore ayaa waxaa uu Micheal Keating la yeeshay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyadoo kulanka ay saxaafadda dibad joog ka aheyd islamarkana la ogeyn qodobada rasmi ah ee looga wada hadlay.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Micheal keating ayaa kulanka labaad la qaatay Maamulka Heer gobol iyo degmo iyo ururada bulshada rayidka iyado looga wada hadlay sida la iskaga kaashan karo caawinta dadka abaaruhu ay sameeyeen  iyado la isku afgartay in si wada jir ah looga shaqeeyo caawinta dadka dhibaateysan.

Micheal Keating ayaa sheegay in doorkooda ku aadan caawinta dadka dhibaateysan ay muujin  doonaan isago sheegay in bulshada degan Gobolka Hiiraan looga bahan yahay  in ay la shaqeeyaan Maamulka Hirshabeelle isagoo xusay in ciidamada aysan  sugi karin aminga hadii aan la helin bulshada heshiis ah islamarkana loo baahan yahay in beelaha ay heshiyaan,

Wakiilka QM ee Somaliya Micheal keating ayaa kormeeray suuqa Xoolaha ee ku yala Xaafadda Xaawo Taako halkaasoo lagu iibinayay xoolo laga kala keenay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, Keating ayaa xoolo dhaqatada weydinayay xaaladooda nololeed iyo weliba qiimaha la iibinayo xoolaha. Keating ayaa si gaar ah u weeydiiyay xoolo dhaqatada qiimaha  neefka ariga iyago sheegay in neefka ariga xiligan la iibiyo lacag dhan 6 doollar maadaama xilligan ay abaaro ka jira dalka iyado arintan u si aad ah ula yaabay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Jubaland oo u dabaaldegay Guusha Farmaajo
- Feb 9, 2017
Inta badan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa caawa ...
War deg deg ah’’ Max’ed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya
- Feb 8, 2017
Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib ...
C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...