C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle

 

 

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka Hirshabeelle. Xildhibaanka waxaa uu ka mid ahaa wafdi uu horkacayay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo gaaray maalintii shalay magaalada Beledweyne.

‘’Waxaan rabnaa haddii aynu nahay xildhibaannada in aan idinku baaqno markan in aan dhinac u wada jeesano,  in aan dadka gaarno,  xukuumada uu dhisi doono madaxweyne Cali C/llaahi haddii aynu nahay xildhibaannada waan la shaqeyneynaa,  dowladnimada hadii shalay Xamar lagu hayay maanta Xamar laguma hayo,   sheekada  Jowhar xoogaa waa na qastay laakiin waa wax hadii aan u soo jeesano aan saxan karno, marka baaqeena siyaasadeed wuxuu yahay aan u jeesano hormar,  aan u jeesano nabad,  aan u jeesano in aan wax wada qabsano,  aan u jeesano in aan waqtigii dhumay soo qabano,  maanta waxaan heysanaa xukuumad uu Cali C/llaahi mas’uul ka yahay,  sidaa daraadeed waxaan dhihi lahaa shacabka reer Hiiraan maanta fursad fiican ayaan heysanaa,   waa in aan fursadaa riixno,  annaga hadii aannahay xildhibaannada barlamaanka waxaa nooga talagali doontaan in aan xukuumadaa loo dhisayo ee Hirshabeelle is bar bar taagno,  si danaha reer Hiiraan loo hormariyo’’ ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa horay uga mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u mucaaradsanaa dhismaha maamulka Hirshabeelle,hasse ahaatee waxaa muuqata in uu hada badalay mowqifkiisii hore ee dhismaha maamulka Hirshabeelle.Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la qaataan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo looga  wada hadlayo wada shaqeyn dhaxmarta shacabka ku dhaqan gobolka iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay Ali A Cosoble.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...
Qiso Naxadin Badan Nolashii Hore & Maanta Macalin Xiito
- Oct 12, 2016
https://youtu.be/XRsmdxG0exk?t=17
Musharax C/qaadir Cosoble oo la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya
- Oct 8, 2016
Musharax xilka Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka C/qaadir Cosoble Cali ayaa ...