madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD

madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku howlahan iyo ciidammada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay ka sameeyeen qabsoomidda doorashooyinka dadban ee Barlamaaniga ah, kuwaas oo hadda gabo-gabo ku dhow.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan  qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talo-galay in ay ku dhacaan howlahaasi.

Madaxda IGAD, ayaa ugu baaqdey beesha caalamka in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida ee dibedda, si ay fursad ugu heleen ka qeyb-qaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga xooggan ee waddamada caalamka iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Madaxda IGAD, ayaa sheegtay in ay ku dedaali doono sidii dib loogu bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo ay boqortooyada Sacuudiga ugu horreyso, taas oo macno weyn u leh xowliga dhaqaalaha Soomaaliya oo sannadaha soo socda la rajeynayo in uu sameeyo isbaddel ka duwan sidii hore.

Ugu dambeyn madaxda IGAD, ayaa mar kale baaq nabaddeed u jeediyey dhinacyada isku haya dagaallada ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed, iyagoo sheegay in ay dedaal walba ku bixin doono joojinta colaaddaasi micna darrada ah. Madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku howlahan iyo ciidammada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay ka sameeyeen qabsoomidda doorashooyinka dadban ee Barlamaaniga ah, kuwaas oo hadda gabo-gabo ku dhow.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan  qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talo-galay in ay ku dhacaan howlahaasi.

Madaxda IGAD, ayaa ugu baaqdey beesha caalamka in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida ee dibedda, si ay fursad ugu heleen ka qeyb-qaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga xooggan ee waddamada caalamka iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Madaxda IGAD, ayaa sheegtay in ay ku dedaali doono sidii dib loogu bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo ay boqortooyada Sacuudiga ugu horreyso, taas oo macno weyn u leh xowliga dhaqaalaha Soomaaliya oo sannadaha soo socda la rajeynayo in uu sameeyo isbaddel ka duwan sidii hore.

Ugu dambeyn madaxda IGAD, ayaa mar kale baaq nabaddeed u jeediyey dhinacyada isku haya dagaallada ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed, iyagoo sheegay in ay dedaal walba ku bixin doono joojinta colaaddaasi micna darrada ah.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Cabdiweli Gaas ” Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi”
- Jul 21, 2018
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi ...
Somalia Partnership Forum in Brussels: Business as Usual
- Jul 21, 2018
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that ...
Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...