Qaramada Midoobay oo shaqadii ka erisay sarkaal sare oo ka shaqeynayay dalka Soomaaliya

amadu-kamara
Qaramada Midoobay ayaa shaqadii ka erisay sarkaal sare oo ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya UNSOM sababo la xiriira wax is daba marsiin iyo musuqmaasuq.

Amadu Kamara oo ahaa agaasimaha xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA kadib markii lagu eedeeyay inuu heshiis kunturaad ah siiyay dad uu la wadaagi lahaa faa’idada laga helo mashaariic.

Sida ay daabacday Alleastafrica.com Mr kamara oo u dhashay dalka Senegal ayaa lagu eedeeyay in uu si qalad ah u isticmaalay dhaqaale lagu caawinayay dib u dhiska ciidamada dalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu wargeyska Alleastafrica ka soo xigtey inaysan waxba u tareyn ciidamada Soomaaliya eryida Amadu Kamara oo kaliya balse dhibaatadu ay intaa ka sii baaxad weyn tahay.

Dalka Soomaaliya ayaa sanad walba waxaa ay dalalka caalamku sheegaan inay ku tabarucaan dhaqaale lagu horumarinayo ciidamada balse ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan si joogta ah uhelin mushaaraadkooda iyo dhaqaalihii kale oo ay u baahnaayeen.

Hiiraan times.com oo isku dayday inay wax ka weydiiso xafiiska UNSOM ee dalka Soomaaliya waxa ka jira eedeyntan ayaa haleeli weysay dadkii awooda u lahaa in ay jawaab ka  bixiyaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...