Maxaa u sabab ah bixitaanka Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen Qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan


Axad, Oktoobar 23, 2016—  Ciidamada Itoobiya ee AMISOM Qaybta ka ah, ayaa

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM Qaybta ka ah, ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka baxay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiiraan, halkaasoo sida la sheegay ay dib ula wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, isla ciidamada Itoobiya ayaa todobadkii hore isaga soo guuray saldhig millitari oo ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan, halka Bishii lasoo dhaafay ay sidoo kale isaga baxeen deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan, waxaana Deegaannadan oo idil dib u qabsatay Al-shabaab.

Dadka sida weyn ugu Dhuun-daloola arrimaha Ciidamada, ayaa arrintan dhaq-dhaqaaqa ay sameynayaan ciidammada Itoobiya ku macneynaya culeyska siyaasadeed ee ka jira gudaha Itoobiya oo ay ka socdaan kacdoon ay dhigayaan qaar ka mid ah Qowmiyadaha dalkaas ku dhaqan.

Xeel-dheerayaasha Arrimahaan ka faaloonaya ayaa iyagna qaba in Xukuumadda Itoobiya ay markan u baahan tahay ciidamo dheeraad ah si ula dacaasho kacdoonka siyaasadeed ee ka jirta gudaha dalkeeda, taasoo keentay in qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan dib uga soo saarto ciidammadii ka joogay.

Ugu dambeyn, 09-kii Bishii Juun ee Sannadkaan, ayay ahayd markii Dagaal culus oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo ruux uu ku dhaxmaray gudaha deegaanka Halgan ciidammada Itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana lagu sheegay dagaalkaas in uu ahaa kii ugu cuslaa oo ay ciidamada AMISOM isaga horyimaadaan Al-shabaab gudaha gobolka


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Cabdiweli Gaas ” Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi”
- Jul 21, 2018
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi ...
Somalia Partnership Forum in Brussels: Business as Usual
- Jul 21, 2018
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that ...
Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...