Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo la kulmay Soomaalida ku nool Minnesota

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Safiirka Dalka Maraykanka ee Somalia, Spephen Schwartz ayaa Shalay Kulan la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gobolka Minnesota,

isagoo horay ula kulmay Jaaliyadda Soomaalida eek Magaaladda Seattle-Washington. Danjiraha oo kulankii shalay ka hor la hadlay dadyow kala

duwan Jaamacadda Minnesota, hasa yeeshee kulankii shalay wuxuu ahaa mid gaar u ah Soomaalida. Spephen Schwartz oo ay wehliyeen xubno ka

socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa intii ay ku sugnaayeen Minneapolis soo booqday xarunta madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka

Soomaalida ee Minnesota, Labada Suuq ee waa-weyn oo ay ku Ganacsadaan Soomaalida deggen Minnesota. Kulankii shalay oo ay kasoo qayb-galeen xubnaha

Jaaliyadda ayaa ka dhacay xarunta dhaqanka Dadka Swedish-ka ah oo ku taalla Koonfurta Magaalada Minneapolis, Waxaana ugu horreyn Halkaas Hadallo soo dhaweyn

ah ka jeediyay Abdi Warsame oo ah guddoomiyaha Dagmada Lixaad ee Minneapolis.

Intaas kaddib, Waxaa isagana Warbaxin koobana siisay Danjiraha wafdigiisa C/rashiid Sheekh Cali oo ka mida Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida, Waxuuna uga warbaxiyay

danjiraha horumarka Soomaalida Minnesota iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen Gobolka. Dhanka kale, Waxaa ka hadlay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz

oo ka mahad-celiyay soo dhaweynta, waxuuna ka hadlay Qodobbo ka mid ah siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya sida; Amniga, Taakulaynta Ciidamada iyo kuwo kale, Waxaana si

taxadar leh uga hadlay duqeymihii ka dhacay dulleedka Gaalkacayo oo uu sheegay inuusan war xaqiiqo ah ka hayn siday wax u dhaceen.

Safiirka Mareykanka ee Somalia, ayaa intaas kaddib la Weydiiyay Su’aalo kala duwan aad kaga boqan doontaan muuqaalka fiidiyowga ah ee la socda warbixintan.

Ugu dambeyn, Xalay ayaa waxaa Casho-sharaf loogu sameeyay maqaayada East Village, taasoo ay ka qayb-galeen wakiilka rugta ganacsiga Somalia ee Maraykanka,

Amino Jama Deeble, iyadoo Danjiraha iyo Wafidigiisuna ay aad ugu amaaneen Soomaalida ku dhaqan Minnesota iyo Horumarada ka muuqda dhinacyada Ganacsiga iyo ka

Qayb-galka Siyaasadda Gobolka.

 

f


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Cabdiweli Gaas ” Ma jiro codsi aan ku doonayo muddo korarsi”
- Jul 21, 2018
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaqiijiyay in uusan jirin codsi muddo kororsi ...
Somalia Partnership Forum in Brussels: Business as Usual
- Jul 21, 2018
With the endless political crisis and the scathing resolution by the EU Parliament that ...
Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...