DAAWO: Duubabka-dhaqanka iyo wafdi ka socda XF Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Baladweyne

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya kulan maanta Dhax-maray wafdi uu horkacayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne iyo duubabka dhaqanka uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Kulanka oo Warbaahintu Dibad-joog ka ahayd ayaa markuu soo dhamaaday Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya, C/casiis Cabdi Xaaji Goob-doon oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga Xukuumadda Somalia iyo duubabka dhaqanka ka wada-hadlleen sidii mar kale dib loogu furi lahaa Wadahadallada la Xiriira arintan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol oo sidda uu hadalka u dhigay ay aqbaleen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan. Laakiin, marka laga soo tago hadalka Afhayeenka, ilo xog-ogaal ah oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa u sheegay in duubabka dhaqanka oo ugu horeeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay u soo jeediyeen wafdigii ka socday xukuumada in marka hore la xiro shirka ka socda degmada Jowhar, kaddibna la isku soo laabto wixii Wadahadal ah ee la xiriira ka Qayb-galka Nidaamka Federaalism-ka Gobolka Hiiraan, iyagoo dhinaca kale ku baaqay in laga wada Qayb-galo is-beddelka Dowladnimo ee dhawaan la filayo in la guda-gallo.Ugu dambeyn, Wafdigaan ayaa Galabta ka Ambabaxay Beledweyne, iyagoo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Jubaland oo u dabaaldegay Guusha Farmaajo
- Feb 9, 2017
Inta badan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa caawa ...
War deg deg ah’’ Max’ed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya
- Feb 8, 2017
Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib ...
C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...