Abwaan Sangub oo Qalin loogu sameeynayo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho

sangubsangub1

Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub) ayaa ku xanuunsanaya magaalada Muqdisho, iyadoo la dhigay Isbitaalka Reccep Tayyib Erdogan Ex Digfeer. Xaalada caafimaad ee Abwaan Sangub ayaa la sheegay inay tahay mid aad u liidato, sida ay sheegeen saxafiyiin maanta ku booqatay isbitaalka Digfeer.

Cusmaan C/llaahi Guure oo loo yaqaano Abwaan Guure ahna Agaasimaha Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Abwaan Sangub uu aad u xanuunsan yahay, isla markaana uu la xanuunsanayo cudurada Sokorowga, Dhiig-Kar iyo xanuuno kale oo ku soo baxay markii qalliin lagu sameeyay.

Abwaan Sangub ayaa horay u sameeyay Ruwaayado dhowr ah, suugaano kala duwan oo isugu jiray Jaceyl iyo Wadani, waxaana afartii sano ee u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho.

Waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay soo saaray dhalinyaro fanaaniin ah oo u sameeyay heeso kala duwan, waxaana lagu xusuustaa heestii caan baxday ee “Kacday Kuftay”, kaasoo ay ku luuqeeyaan Kooxda Fanaaniinta Deegaan ee Jabuuti.

Abwaan Sangub ayaa ah Abwaanada hala abuurka leh ee ka haray abwaanadii dalka soo maray, waxaana lagu amaanaa inuu yahay wadani dal jaceyl ah.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Shacabka ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka Jubaland oo u dabaaldegay Guusha Farmaajo
- Feb 9, 2017
Inta badan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa caawa ...
War deg deg ah’’ Max’ed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya
- Feb 8, 2017
Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu noqday madaxweynaha Soomaaliya, kadib ...
C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...