Dagaal qasaare sababay oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ku geeriyootay saddex ruux oo rayid ahna waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii ay is rasaaseeyeen

ciidamo Boolis ah iyo ciidamo kale oo ku sugnaa gudaha xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.Iskahorimaadkan oo dhacay fiidnimadii caawa ayaa waxaa

uu ka dhashay sida ay u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu iskahorimaadku ka dhacay in ciidamo Boolis ah oo howlgal ay ku baacsanayeen dad lagu tuhmayay

inay ka ganacsanayeen muqaadaraadka xashiishada  iyo labo askari oo ku sugnaa gudaha xaafada Kulmis ay kala shakiyeen halkaasna ay ka dhacday is rasaaseyn

sababtay in ay dhintaan labo askari halka saddex ruux oo rayid ahna ku dhaawacmeen.Dadka dhaawacu soo gaaray oo la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Jowhar ayaa

la sheegay inay ku jiro ilmo yar iyo haweeney. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa gaaray halka uu iskahorimaadku ka dhacay iyadoo

xaalada markii dambe ay qabowday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jowhar iyo ciidamada ammaankaba. Ciidamo Boolis ah oo dhowaan magaalada Jowhar soo gaaray iyo

ciidamadii hore u joogay ayaa howlgalo lagu sugayo amniga ka sameeya xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar iyadoo sidoo kale ay ciidamadu ay la dagaalamaan dadka

isticmaala muqaadaraadka xashiishada.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...