Wada Hadalada Mucaradka Iyo Dowlada South Sudan oo La isku Mari La yahay

Wadahadalka u dhexeeya dhinacyada ku loollamaya awoodda South Sudan ayaa la sheegay in laisku mari la’yahay.
Mucaaradka uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar Dadaalada lagu doonayo in xabadjoojin laga gaaro South Sudan ayaa weli sii socda.
Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan labada Sudan ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar waxana ay kawada hadleen sidii ay u qadan lahaayen heshiiska xabad joojinta ee la doonayo in lagu hakiyo labada dhinac
Waxaa uu sheegay in dhexaadiyayaasha ay sii wadi doonaan cadaadiska ay ku saarayaan xukuumada Juba inay sii dayso maxaabiista siyaasiyiinta ee u xiran.
Afhayeenka Mucaaradka ayaa sheegay in heshiiska xabadjoojinta ay saxiixi doonaan oo kaliye marka la sii daayo siyaasiyiinta xiran oo gacanta dowlada hada ku jiro
Xussein Mar Nyuot oo ah Afhayeenka mucaaradka, ,ayaa lahadlay BBC-da meesha ka saaray hadal ka soo yeeray dowladda South Sudan oo ku saabsanaa in ciidamadoodu ay si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Unity halkaas oo mudo ay ku dagalamayeen ciidamada mucaradka iyo kuwa Dowlada
Wuxuu sidoo kale Afhayeenku tilmaamay, inaysan waxba ka jirin eedeeynta dowladda Juba ee ah in ciidamada daacada u ah Mr Machar ay waxyeelo u gaysteen goobaha wax soo saarka shidaalka ee gobolkaasi.
Warar kale oo laga helayo South Sudan ayaa sheegaya in wasiirka shidaalka Koonfurta Suudaan, Stephen Dhieu Dau, uu booqday magalaada Khartoum si uu wadahadal ula yeesho dhigiisa dalka Sudan, Makawi Mohammed Awad.
Labada wasiir ee ka kala socdo labada wadan ee sudaan ayaa ka wada hadlay xakamaynta dagaalada ka socda aaga shidaalka laga soo saaro.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Madaxwaynaha South Sudan Salva Kiir inuu sii daayo dhaamaan maxaabiista siyaasadda u xiran.
Dhinaca kale dowladda Madaxwayne Salva Kiir ayaa sheegtay, inay diyaarinayso kumanaan ciidamo ah oo dib u qabsada magalaada Bor, oo iyadu ah magaaladii ugu danbaysay ee ku hartay gacanta fallaagada.
Kiir ayaa madaxweyne kuxigeenkiisii hore ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembi dhicisoobay

Ciidammada Machar ayaa u muuqda kuwo dib u gurtay kadib markii ay gacantooda ka baxday magalaada Bentiu, ee caasimadda gobolka qaniga ku ah shidaalka ee Unity.

wadanka ayaa ha wadan cusub waxana uu ka go’day Sudan sanadkii 2011-ka, kadib dagaallo ay dad badani ku dhinteen. oo kadhacay deganada south sodan

soth-sudan


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

Xassan Daahir Aweys oo siweyn uga horyimid dilalka ay geystaan Al-shabaab
- Apr 25, 2018
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab ...
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
- Apr 23, 2018
Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya ...
Somalia calls for UN action against UAE base in Berbera
- Mar 27, 2018
Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction ...
C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari
- Mar 25, 2018
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo ...
Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?
- Mar 24, 2018
Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ...
14 people killed in bomb blast in Somali capital
- Mar 22, 2018
  At least 14 people have been killed and several others were injured when a ...
DAGAAL u Dhaxeeya NISA iyo Ciidamada uu tababaray Imaaraadka oo ka socda degmada Hodan
- Mar 21, 2018
Is rasaaseyn culus ayaa waxaa ay muddo ku dhex mareysa xaafado ka tirsan degmada ...
Goodax oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh
- Mar 21, 2018
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ...