Taliska Ciidanka XDS Oo Ciidanka Ku Booriyay Xoojinta La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Kuwa Ciidanka Isu Ekeysiiya

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Taliyaha ciidanka Badda, Taliyaha ciidanka cirka, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xerada tababarka Jaziira oo dhowaan tababar looga soo gabagabeeyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Kormeerka masuuliyiintan ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa sidii goob joog ay uga noqon lahaayeen munaasabadda lagu qalabeynayay cutubyo ka tirsan ciidanka, oo ah ciidankii ugu horeeyay ee Dowladdu ku tababarto gudaha, iyada oo nidaam cusub oo lagu qalabeeyay uu u sameeyay Taliska ciidanka xoogga Dalka.

Gudoomiyaha gobolaka Benaadir ahna duqaMuqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo la hadlay ciidanka ayaa kula dardaarmay inay u dhabar adeegaan sidii qeyb weyn ugu qaadan lahaayeen la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in ciidankan ay yihiin kuwa ugu fursadda fiican oo nasiib u yeeshay in dalkooda lagu tababarro.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Taliyaha ciidanka xoogda Dalka Soomaaliya oo boqolalka askari oo tababarka dhamaysatay kula hadlay xerada tababarka Jaziira ayaa u sheegay in ciidanka looga baahanyahay inay si wadajir ah ugu hortagaan labada cadow ee Dalka uu leeyahay, kuwaas oo ah Al-Shabab iyo kuwa isku ekaysiiya ciidanka qalabka islamarkaana uu dhibaato u geysta shacabka Soomaaliyeed.

Taliska ciidanka xoogga Dalka ayaa sanadkan cusub ee 2014-ka dardargeliyay dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida, gaar ahaan xoogga dalka, iyada oo sidoo kale taliska ciidanka uu so kordhiyay nidaam lagu ilaalinayo qalabka la siinayo askariga xoogga dalka ka tirsan kaas oo ah in askari kasta laga qaado labo sawir iyo suul taas oo laga tixraacayo haddii uu askariga la baxsado qalabka ciidan.

Taliska-ciidanka-


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...
Qiso Naxadin Badan Nolashii Hore & Maanta Macalin Xiito
- Oct 12, 2016
https://youtu.be/XRsmdxG0exk?t=17
Musharax C/qaadir Cosoble oo la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya
- Oct 8, 2016
Musharax xilka Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka C/qaadir Cosoble Cali ayaa ...