I Laa 10 Ruux Ayaa Ku Dhimatay Kidib Dagaal Xalay Ka Dhacay Dag,mada Mahadaay

Dagaal culus oo khasaare geystay ayaa ku dhexmaray xalay degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada dhexe Xarakada Al shabab iyo Ciidamada Dowlada soomaaliya oo fa risinka kulahaa dag moyinkaas

Ku dhawaad 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa kabadan kale, waxaana dagaalkan uu ahaa kii ugu cuslaa ee Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmara gobolka Shabeellada dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa u sheegay Warbahinta in ciidamada Al-shabaab ay si buuxda xalay ula wareegeen degmada Mahadaay ayna saakay aroortii isaga baxeen degmada
Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay saakay aroortii ay iskood uga baxeen degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane oo sannadkii hore lagala wareegay, iyagoo horay u sii kexeystay gaadiid ay lahaayeen saraakiisha dowladda iyo ciidamadii ku sugnaa degmadaas.

Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ayaa saakay dagan iyadoo ay dib ugu laabteen ciidamadii dowladda ee xalay laga saaray, waxaana hadda ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo indho-indheynaya goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeellada Dhexe oo ay kaga haldleen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahadaay oo ahaa kii ugu xoogganaa ee gobolkaas ka dhaca tan iyo markii Al-shabaab degmooyin ka tirsn gobolkaas laga.
Waa dagaalkii Ugu Xoganaa ee ka dhaca Gobolka shabelaha dhexe tan iyo markii ay ciidamada Dowlada iyo Kuwa amisom ay la waregeen deg mooyinka Gobolkaas


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka

C/llaahi Goodax Barre oo ku baaqay in la taageero maamulka Hirshabeelle
- Jan 5, 2017
    Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa bulshada ku ...
Cosoble iyo Keating ayaa B/Weyne Booqanaya
- Jan 5, 2017
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliya Micheal Keating oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ...
wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya
- Dec 13, 2016
Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka ...
madaxweyne xasan sheikh oo ka qeeybgalaya shirka IGAD
- Dec 10, 2016
madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku ...
Ciidammada Puntland oo la wareegay degmada Qandala
- Dec 7, 2016
Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada ...
Wikileaks: US rebuffed Kenya’s request on Jubaland fight
- Dec 5, 2016
Senior American government officials rebuffed a request from former President Mwai Kibaki’s Cabinet ministers ...
Qiso Naxadin Badan Nolashii Hore & Maanta Macalin Xiito
- Oct 12, 2016
https://youtu.be/XRsmdxG0exk?t=17
Musharax C/qaadir Cosoble oo la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya
- Oct 8, 2016
Musharax xilka Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka C/qaadir Cosoble Cali ayaa ...